![Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Archive]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2017/02/IMG_1584.jpg)
Madaxweyne Cabdiweli ayaa la filayaa in uu saxiixo heshiis ay Puntland la geli doonto shirkada DP World si ay u hormariyaan una maamulaan dekada Boosaaso, sida ilo-wareedyo katirsan dowladda kuwaasoo codsatay in aan magacooda la sheegin ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.
Heshiiska u dhaxeeya labada dhinac ayaa la filayaa in uu ka dhaco magaalada Dubai maalmaha soo socda, sida ay sheegeen ilo-wareedku, kuwaasoo diiday in ay bixiyaan faahfaahin ku saabsan heshiiska.