Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.
Madaxweynaha ayaa asbuucyadii dhawaa ee lasoo dhaafay safaro ku tagay dalalka Imaaraatka Carabta iyo Kenya, kaasoo ahaa safarkiisii ugu horeeyay oo dalka dibadiisa uu ku aado tan iyo markii la doortay bishii Janaayo 2019.