Dhuusamareeb-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in dhawaan la qorsheynayo in la bilaabo wajiga labaad ee duulaanka Al-Shabaab looga xoreynayo deegaanada Galmudug.
Al-Shabaab oo kacdoonkeeda billowday sannadkii 2007-dii, ayaa hadda maamula gobollo badan oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya oo ay ku jiraan deegaano kuyaala maamulka Galmudug.