Madaxda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ka tashanaya xaaladda siyaasadeed ee dalka

Puntland Mirror
0 Min Read
Labada dhinac ayaa maanta oo Feb 19, 2026 shir uga furmay Villa Somalia. [Isha Sawirka: Villa Somalia]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Masuuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka ee loo yaqaan Golaha Mustaqbalka ayaa maanta ku kulmay Villa Soomaaliya si ay uga wada hadlaan xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka soo socda, xoojinta madaxbannaanida, dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, iyo sidii wax looga qaban lahaa abaarta daran ee ka taagan dalka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, iyo xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka, oo ay ku jiraan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, iyo sidoo kale qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii hore ee dowladda federaalka.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *