In ka badan 200 ciidamo Turki ah ayaa kasoo degay Muqdisho shalay oo Talaado ahayd si ay u tababaraan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayna u ilaaliyaan saldhiga milatariga ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho, sida ay ilo-wareedku sheegeen.
Turkiga ayaa furi doona saldhigiisa milatari ee Muqdisho bisha soo socota, waa saldhiga milatari ee ugu weyn oo Turkigu ku leeyahay wadan ajnabi ah.