Heshiis ayaa dhigaya in 20 xildhibaan kooxda Ahlu Sunna laga siiyo 89 xubnood ee golaha baarlamaanka soo socda ee Galmudug, sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta oo Khamiis ah ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya.
Talaabadan ayaa imaanaysa iyadoo sanadkii u dambeeyay uu khilaaf xoogan ka dhantaalay maaamul goboleedka Galmudug, taasoo ay sababeen khilaafyo gudaheeda ah iyo farogelin weyn oo kaga timid dowladda dhexe.