Janaraal Maxamed Siciid Moorgan oo Geeriyooday

Puntland Mirror
0 Min Read
Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Morgan. [Sawir Hore]

Nairobi-(Puntland Mirror) Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, oo si weyn loogu yaqaanay Janaraal Moorgan, ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya maanta oo Arbaco ah.

Waxa uu ku dhashay magaalada Qardho sanadkii 1949-kii, sida ku qoran Wikipedia.

Wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii militariga ahayd ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Wuxuu ahaa Wasiirkii Difaaca ee ugu dambeeyay ee Soomaaliya xilligii Madaxweyne Siyaad Barre.
Sanadihii u dambeeyay, wuxuu deganaa magaalada Garoowe ee Puntland, halkaasoo uu ka mid ahaa la-taliyeyaasha sare ee milatari ee Madaxweynaha Puntland.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *