
Ankara-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dalka Turkiga Binali Yildirim ayaa sheegay in lagala dirayo ilaalada madaxtooyada kadib markii la xiray ku dhawaad 300 xubnood oo ciidanka ilaalada madaxtooyada kamid ah kadib afgembiga fashilmay.
“Ma sii ahaan doonaan ilaalada madaxtooyada, ma jirto wax ujeedo ah, ma jirto baahi loo qabo,” Yildrim ayaa sidaa yiri, isagoo la hadlayay taleefishinka Harber channel oo ku yaala gudaha Turkiga.
Ilaalada madaxtooyada dalka Turkiga waxay dhanyihiin tiradooda 2,500, laakiin ugu yaraan 283 xubnood oo ciidamada ilaalada madaxtooyada kamid ah ayaa la xiray kadib isku-daygii afgembiga.