Muqdisho-(Puntland Mirror) Hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa ku heshiiyay Arbacadii hannaan cusub oo loogu tala galay in dalka looga qabto doorasho hal-qof iyo hal-cod ah.
Heshiiskan ayaa yimid kaddib wadahadallo muddo bil ah ka socday Muqdisho oo uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
Heshiiska ayaa dhigaya in doorashooyinka dowladda hoose la qaban doono bisha Juun 2025, halka doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka dowladaha xubinta ka ah federaalka la qorsheynayo in la qabto bisha Sebtembar 2025. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sidoo kale soo jeediyay in lasoo dhameystiro Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, si loo fududeeyo hannaanka doorashada.
Heshiiska ayaa waxaa ka maqnaa oo aan saxiixin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, taasoo madaxweynaheedu Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu shirka awal ka qeybgalay balse uu dhawaan isaga baxay, kadib markii khilaaf ka dhashay xilliga la qabanayo doorashada dowladaha xubnaha ka ah federaalka.
Sidoo kale, masuuliyiin xilal sare ka soo qabtay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay heshiiska, iyagaoo ku eedeeyay xukuumadda Xasan Shiikh Maxamuud in ay doonayso muddo kororsi.