Ciidamada ayaa badali doona ciidamo kale oo reer Burundi ah kuwaasoo horey u joogay Soomaaliya, sida uu sheegay Janaraalka ciidamada hoggaaminyay oo la dhaho Kornayl Philbert Hatungimana.
Kornayl Philbert Hatungimana ayaa sheegay in guutada cusub la geyn doono magalaada Jowhar ee maamulka Hir-Shabelle.
Burundi waa dalka labaad Uganda kadib kuwaasoo ciidamo u soo diray Soomaaliya si ay uga qeybgalaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee soo celinta nabada iyo xasiloonida Soomaaliya.