Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda oo si rasmi ah loo aasaasay, Dr. Guuleed Saalaxna u doortay guddoomiye

Puntland Mirror
0 Min Read
Golaha Cadaalada iyo Dimuqraadiyada. [Isha Sawirka: Facebook]

Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda (GCD) ayaa si rasmi ah maanta oo Isniin ah loogu aasaasay magaalada Garoowe, caasimadda Puntland, inkastoo horey looga yagleelay dalka Kenya bishii June 2024, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay golaha.

Golaha ayaa guddoomiye u doortay Dr. Guuleed Saalax Bare, oo ah siyaasi, xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland, sidoo kalena 2024-kii ahaa musharixii Siciid Cabdullahi Deni uu kaga guulaystay madaxweynaha.

“GCD waxaa aas-aasay siyaasiyiin iyo waxgarad Soomaaliyeed oo ka damqaday xaaladda adag ee dalka ka taagan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, iyo adeegyada dowliga ah. Ujeeddada golaha ayaa ah in lagu falanqeeyo doodaha muhiimka ah ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, sida arrimaha dastuurka, federaalka, doorashooyinka, nidaamka awood-qaybsiga, amniga iyo khataraha Soomaaliya ka jira, si talo mideysan looga gaaro.” War-saxaafadeedka ayaa sidaas sheegay.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *