Xoghayaha Duqa,Towfiiq Bashiir Nuur, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in Duqa uu la kulmay jaaliyada Puntland iyo masuuliyiinta Imaaraatka, uuna ka codsaday in ay ka qeyb qaataan tabarucaadka gaariyaasha dab damiska ee Garoowe.
Towfiiq ayaa intaas ku daray in Duqa uu go’aan ku qaatay sidii uu u raadin lahaa gaariyaasha dab damiska kadib markii ay magaaladu la kulantay dab gubasho badan intii lagu guda jiray sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay.
Dabayaaqadii bishii Janaayo, dab balaaran ayaa burburshay kaalimo shidaal oo kuyaala Garoowe, waxaana ku dhintay ugu yaraan todobo qof.