Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay wakiilka haayada FAO u qaabilsan Soomaaliya Richard Trenchard in uu ka baxo dalka, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dowladda katirsan.
Ilo-wareedyada ayaa sheegay in wakiilka Soomaaliya u jooga FAO lagu eedeeyay qeybinta abuur aan wanaagsanayn, waxaana loo qabtay saddex beri gudahood in uu Soomaaliya uga baxo.
FAO ayaa ah haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha.