Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo fiidnimadii Arbacada ka hadlayay munaasibad lagu qabtay Garoowe oo lagu xusayay sanadkiisii kowaad ee uu xafiiska joogay, ayaa si cad uga soo horjeestay sharciga batroolka dalka sababtoo ah lagalama tashan dowladiisa.
“Haddii aanu nahay Puntland, waxaan si cad u sheegayaa in aanu qeyb ka ahayn sharciga shidaalka ee ay meelmariyeen golayaasha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya,” ayuu yiri.
Madaxweyne Deni ayaa intaas ku daray in sharcigan uusan waxtar yeelan dooniin hehiisna aan lala geli karin shirkado shidaal baaris ilaa laga sugo amniga dalka.
Shrciga shidaalka ayaa waxaa meelmariyay golaha baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya bishii May ee 2019, sidoo kale aqalka sare ayaa ansixiyay asbuucaan, haddana waxa uu sugayaa saxiixa madaxweynaha.