Muqdisho-(Puntland Mirror) Doorashada xildhibaanada Somaliland u matali doona aqalka hoose ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah dib uga bilaabmatay Muqdisho kadib dhowr maalmood oo hakad ku yimid.
Doorashada maanta ayaa lagu doortay ilaa iyo lix xildhibaan, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.
Guddiga doorashooyinka dadban ayaa asbuucii lasoo dhaafiyay hakiyay hanaanka doorashada oo Muqdisho ka socotay kadib khilaaf ka dhashay.
Somaliland oo sidoo kale loo yaqaan Waqooyiga Soomaaliya ayaa aqalka hoose ee Soomaaliya ku leh 46 xildhibaan, waxaana la doortay 25 xubnood ilaa iyo hadda.
Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in 28-ka bishaan December ay doorato madaxweynaha shanta sanno ee soo socota, sida qorshuhu yahay, balse taasi maahan mid suurtagal noqon garta, marka loo eego sida ay wax u socdaan.