
Muqdisho-(Puntland Mirror) Diyaarado dagaal oo aan la aqoon cida iska leh ayaa duqaymo culus ka geystay deegaanka Toora-toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Diyaaradaha ayaa bartilmaameedsaday saldhigyo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku leeyihiin deegaankaas.
Sida ay sheegayaan wararku waxaa jira khasaaro ka dhashay duqaymaha.
Diyaaradaha Maraykanka ayaa inta badan duqaymo lidi ku ah kooxda Al-Shabaab ka geysta gudaha Soomaaliya.