London-(Puntland Mirror) Diyaarad ay saarnaayeen 81 qof, oo ay kamidyihiin ciyaartoy naadi kubada cagta oo Brazil ah ayaa ku burburtay dalka Columbia, sida ay wararka sheegayaan.
Booliiska Columbia ayaa sheegaya in ka badan 75 qof oo rakaabka kamid ah ay geeriyoodeen, shan qof oo kaliya ayaa ka badbaaday shilkaas, sida ay booliska sheegeen.
Diyaarada oo ahayd mid ganacsi ayaa ka timid dalka Bolivia, waxayna siday ciyaartoy katirsan kooxda kubada cagta ee Chapocoense oo Barzil ka dhisan.
Diyaaradu ayaa ku burburtay deegaan buuro ley ah oo ku yaala duleedka magaalada Medellin ee dalka Columbia.
Sawiro warbaahinta bulshada lasoo gashay ayaa u muuqda qeyb kamid ah diyaarada oo burburtay.
Waa tuma kooxda kubada cagta ee Chapecoense?
- Kooxda kubada cagta ee Chapecoense ayaa la asaasay sanadkii 1973.
- Sanadkii 2014-ka ayay markii kowaad kamid noqotay taarikhda horyaalka kowaad ee Barzil (Serie A), hadda waxay ku jirtay kaalinta sagaalaad.
- Waxaa fadhigeedu yahay magaalada Chapeco ee gobolka Santa Catarina ee dalka Brazil.