“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa arrintani mid siyaasadeysan oo aan u wanaagsanayn xiriirka derisnimo, is-afgaradyadii hore ee labada dowladood ka dhaxeeyay, ganacsiga iyo isu socodka labada shacab,” ayaa lagu yiri bayaan gelinkii dambe ee Jimcadda ka soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya.
Dowladda federaalka ayaa Kenya u jeedisay in ay dib u fiiriso arrintaas culeyska ku ah ganacsiga iyo isku socodka labada dal, bayaanka ayaa intaas ku daray.
Khamiistii, ayaa Kenya ku amartay diyaaradaha ka tagaya Muqdisho in ay maraan Wajeer, halkaas oo horey ay u mari jireen balse la joojiyay kadib heshiis dhexmaray labada dowladood.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaala dalka Kenya ayaa dhibbaato badan kala kulmi jiray marista Wajeer muddo dheer.