Kismaayo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan afar dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ayaa isku dhiibay ciidamada Jubbaland, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka Jubbaland.
Intii lagu guda jirey saddexdii sanno ee u dambeysay, ciidamada Jubbaland oo taageero ka helaya kuwa Kenya oo hoostaga AMISOM ayaa dagaal kula jiray dagaalyahanada Al-Shabaab si ay uga xoreeyaan gobolada Jubbooyinka.
Al-Shabaab aya Kismaayo laga saaray sanadkii 2012-kii, balse wali maleeshiyadu waxay joogaan deegaanada ku dhow magaalada.