Dagaal culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug oo dib uga qarxay duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo

puntland-taangi
Taangiyada ciidamada Puntland ee ku sugan duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Galmudug ayaa saakay oo Talaado ah dib uga qarxay duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, sida ay ilo-wareedyada sheegayaan.

Dagaalka saakay ayaa daba-socda asbuucyo dagaalo ah oo ka dhacayay gobolka Mudug oo u dhaxeeyay labada dhinac.

Dagaalka manta oo Talaado ah ayaa imaanaya maalin kadib markii madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ay ku wada-hadleen taleefoon oo ay ku amreen taliyeyaashooda ciidamada in si deg deg ah loo joojiyo xabada.

Asbuucaan bilowgiisii, ugu yaraan 25 qof ayaa lagu dilay, oo badankood ay ahaayeen askar ka katirsan dhinacyadii dagaalamay, kadib markii dagaal uu ka qarxay duleedka koonfureed ee magaalada.

Muddooyinkii dambe, Gaalkacyo waxay daris la noqotay dagaalo u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug. Magaalada ayaa waxay u qeybsantaa labo qeybood, qeyb waxaa maamusha dowladda Puntland halka qeybta kalena ay sheegato maamulka yar ee Galmudug.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*