Ciidanka XDS oo 7 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ku dilay howlgal ka dhacay Galgaduud

Ciidamada xooga oo ku sugan goobta uu weerarku ka dhacay. [Isha Sawirka: SNTV]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada xooga dalka ayaa todobo dagaalyahan oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ku dilay howlgal saakay oo Arbaco ah ka dhacay deegaanka Cali-cadhoole oo 33 km waqooyi ka xiga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda, oo soo xiganaysa saraakiil katirsan ciidamada.

Sawiro ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa muujinaya goobta uu weerarka ka dhacay iyo qoryo AK-47 ah oo la sheegay in ay lahaayeen dagaalyahanada la dilay.

Ilo-wareedka ayaa intaas ku daray in howgalku uu ahaa mid qorshaysan kaasoo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*