Idaacadda ciidamada Soomaaliya oo soo xiganaysa saraakiil katirsan ciidanka ayaa maanta oo Isniin ah tebisay in wiil uu dhalay hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye lagu dilay howlgal xalay ka dhacay degmada Kurtunwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ka dhanka ahaa Al-Shabaab ayaa waxaa ka qeybqaatay ciidamo katirsan Mareykanka, sida ay sheegtay idaacadda ciidamaddu.
Maleeshiyada Al-Shabaab weli kama aysan hadlin sheegashada ciidanka Soomaaliya.