Ilo-wareedyo madaxtooyada Puntland katirsan ayaa warsidaha Puntland Mirror u xaqiijiyay in ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag ay Ciise Axmed Yuusuf “Xanwar” ka hor istaageen in uu tago magaalada Baran ee xarunta gobolka Sanaag.
Xanwar ayaa dib ugu noqday magaalada Ceerigaabo, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.
Ciidamadii uu watay iyo ciidanka Puntland ayaa rasaas isku weydaarsaday duleedka magaalada, ma jirto wax khasaare ah oo la soo sheegay.