Ilo-wareedyo katirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in wax iska hor imaad ah uusan dhicin ayna maleeshiyada Al-Shabaab ka tageen kahor inta ciidamada aysan gaarin halkaas.
Tuulada ayaa bartilmaameed u ahayd Al-Shabaab tan iyo bishii June 2017, markaas oo ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Puntland ay ku lahaayeen Af Urur, ayna ku dileen qiyaastii 30 askari.
Af Urur waxay kutaalaa deegaanada buuraleyda ah, waxay qiyas ahaan dhanka koonfur-galbeed kaga beegantahay Boosaaso, oo ah xarunta ganacsiga Puntland.