![Dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Al-Shabaab ayaa ka bilowday buuraha Galgala sanadkii 2010-kii. [Sawirka: Archive]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2017/01/Forces.jpg)
Sargaal haayadaha ammaanka katirsan oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in dagaalka uu qarxay kadib markii dagaalyahano Al-Shabaaab ah ay weerar kusoo qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-uruurshe oo kuyaala buuraha Galgala ee gobolka Bari.
Sargaalka ayaa ka gaabsaday haddii ay jiraan khasaare ka dhashay dagaalka.
Ciidamada Puntland iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa ku dagaalamayay gudaha buuraha Galgala tan iyo sanadkii 2010-kii.
