Ilo-wareedyada ayaa sheegay in ka badan 500 askari oo Danab katirsan in ay ka qeybgaleen weerarka ka dhanka ahaa maleeshiyada.
Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda Soomaaliya oo ku saabsan weerarkaas.
Ma cadda haddii ay jiraan khasaare ka dhashay weerarka.
Sanadadii dhawaa ee lasoo dhaafay, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga AMISOM ayaa kordhiyay weeraradooda koonfurta Soomaaliya ee ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab.