Axmed Cali Kilwe, oo ah tifaftiraha mareegta Puntland One ayaa ciidamadu xireen shalay oo Axad ahayd, waxaana loo xiray eedo ku saabsan in uu hadalo ka dhan ah Madaxweynaha Puntland Cabweli Maxamed Cali ku qoray Facebook-ka, sida ay sheegeen ilo-wareedku.
Dhowr wariyeyaal ah ayaa lagu xiray gudaha Puntland sanadadii u dambeeyay, taasoo kordhinaysa walaaca ku saabsan xoriyadda suxufiyiinka ka shaqaysa Puntland.