Sargaal katirsan ciidamada ammaanka Puntland ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen gaari ay saarnaayeen waxyaabo culus oo qarxa iyo noocyo kale oo hub ah.
Sargaalka ayaa ka gaabsaday in uu magacaabo cida iska leh gaariga iyo halka uu ku jeeday.
Ku dhawaad afar nin oo gaariga saarnaa ayaa sidoo kale ciidamadu xireen, sida uu sheegay sargaalku.
Sanadadii dhawaa ee lasoo dhaafay, Puntland ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo gaari oo lagu dilay tobonaan shacab ah iyo masuuliyiin dowladda katirsanaa, waxaana masuuliyadooda sheegatay xagjiriinta Al-Shabaab.