Bandhiga oo socon doona muddo shan cisho ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay ganacsato ka kala timid deegaanada Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo khubad ka jeediyay furitaankii carwada ayaa bogaadiyey bandhiga carwada, sida looga soo shaqeeyay iyo dhammaan dadka kasoo qeybgalay, waxaana uu intaas ku daray in Dowladda Puntland ay muhiimad siinayso kor u qaadista ganacsiga iyo maalgashiga dalka.