Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay in ciidamo la geeyo Soomaaliya muddo 2 sano ah

Ankara-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Turkiga ayaa aqbalay mooshin ay madaxtooyadu waday kaasoo ku saabsan in ciidamo milatari ah la geeyo Soomaaliya muddo labbo sanno ah si ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga taageeraan dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo khataraha kale kaasoo qeyb ka ah heshiiska iskaashiga difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Mooshinka oo uu saxiixay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa lagu sheegay in Turkiga uu tababar, taageero, iyo kaalmo la talin siinayay Soomaaliya in ka badan 10 sanno siu u u hubiyo ammaanka iyo xasiloonida ugana taageero Soomaaliya dib u dhiska ciidamada difaaca iyo ciidamada ammaanka ee dagaalka kula jira argagixisada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*