Axmed oo oo loo yaqaan Madoobe waxa uu helay 56 cod, halka musharixii ugu dhawaa oo ahayd gabar Canab Maxamed Daahir ay heshay 17 cod, guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Shiikh Cabdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay.
Axmed ayaa maamulka Jubbaland hoggaaminayay tan iyo markii la asaasay sanadkii 2013, isaga oo ku guuleystay labo doorasho oo hore.