Al-Shabaab oo gobolka Mudug ku xirtay ku dhawaad 90 oday oo diiday in ay caruurtooda ku wareejiyaan

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ku dhawaad 90 oday ku xirtay gudaha deegaanka War-Shubo oo u dhow degmo xeebeedka Xaro-Dheere ee gobolka Mudug, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sida ay ilo-wareedku sheegeen, odayaasha ayaa lagu xiray masjid ay ku tukanayeen.

Sida ay wararku sheegayaan, maleeshiyada ayaa odayaasha u xirtay kadib markii ay diideen in caruurtooda ay ku wareejiyaan Al-Shabaab si ay uga dhigaan dagaalyahano.

Bilowgii sanadkan, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegtay in Al-Shabaab ay caruurta u adeegsato dagaal, iyada oo 9-sanno jir lasoo sheegay oo loo tababaray isticmaalka hubka kadibna loo diray jiida hore. Caruurta ayaa sidoo kale ururku u adeegsadaan in ay qaadaan walxaha qarxa, jaajuusnimada iyo shaqooyinka jaarinimada ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*