Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in abaarta ka jirta Soomaaliya ay saameysay ku dhowaad 6.5 milyan oo qof, iyadoo in ka badan 2 milyan oo qof ay ku sugan yihiin xaalad degdeg ah oo aan haysan cunto iyo biyo ku filan, kadib shir shir saxaafadeed uu maanta oo Talaado ah ku qabtay Muqdisho.
Hay’addu waxay sheegtay in warbixinno ka imanaya xarumaha caafimaadka dalka ay muujinayaan nafaqo-darro baahsan oo ku soo korortay carruurta, taasoo sii xoojineysa walaaca laga qabo xaaladda bini’aadantinimo ee sii xumaaneysa.
Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in ay kordhayaan qoysaska ka barakacaya miyiga kuwaas oo u soo hayaamaya magaalooyinka si ay u helaan gargaar iyo adeegyo aasaasi ah, iyadoo abaartu si gaar ah u saameysay bulshooyinka ku tiirsan xoolaha iyo beeraha.
Abaarta ayaa keentay biyo yari iyo daaq la’aan baahsan, taasoo sababtay dhimashada xoolaha iyo hoos u dhaca wax-soosaarka beeraha, halka malaayiin qof ay weli u baahan yihiin gargaar degdeg ah oo dhinaca cunto, biyo iyo adeegyo caafimaad ah.
