Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqay golihiisa cusub ee wasiiradda.
Khayre ayaa ku dhawaaqida ku sameeyay shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Magacyada golaha wasiiradda cusub ayaa kala ah:
- Cabdi Faarax Juxa – Wasiirka arrimaha Gudaha
- Yuusud Garaad Cumar – Wasiirka Arrimaha Dibada
- Maxamed Abuukar Isloow – Wasiirka Amniga Qaranka
- Jamaal Maxamed Xasan – Wasiirka Qorsheynta
- Cabdiraxmaan Bayle Ducaale – Wasiirka Maaliyada
- Khadiijo Maxamed Diiriye – Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
- Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow – Wasiirka Warfaafinta
- Maryan Qaasim Axmed – Wasiirka Arrimaha Bini’aadanimada iyo Maareynta Musiibooyinka
- Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi – Wasiirka Gaashaandhiga
- Cabdiraxmaan Daahir Cismaan – Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
- Wasiirka Arrimaha Dastuurka – Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil
- Maryan Aweys Jaamac – Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiid Cirka iyo Dhulka
- Cabdi Canshuur Xasan – Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada
- Shiikh Nuur Maxamed Xasan – Wasiirka Xanaanada Xoolaha
- Khadro Axmed Ducaale – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
- Cabaas Shiikh Cabdullaahi Siraaji – Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska
- Cabdirashiid Maxamed Axmed – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta
- Siciid Xuseen Ciid – Wasiirka Beeraha
- Fowsiya Abuukar Nuur – Wasiirka Caafimaad iyo Daryeelka Bulshada
- Xasan Xuseen Xaaji – Wasiirka Cadaalada
- Saalax Axmed Jaamac – Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
- Saalim Caliyow Ibrow – Wasiirka Korontada iyo Biyaha
- Iimaan Cabdullaahi Cali – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Dibada
- Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf – Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka
- Cabdiraxmaan Cabdi Xaashi – Wasiirka Kalluumasysiga iyo Kheyyradka Badda
- Mahad Axmed Guuleed – Raysulwasaare ku-xigeen
Lix kamid ah golaha wasiiradda cusub ayaa ah haween.
Golaha Wasiiradda cusub ayaa la filayaa in ay baarlamaanka hortagaan maalmaha soo socda si codka kalsoonida loogu qaado, sida uu qabo dastuurka dalka.
Be the first to comment