Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland ahna murashax u tartamaya madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta oo Sabti ah tagay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo.
Faroole ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowladda, murashixiin madaxweyne iyo dad shacab ah.
Bishii April ee sanadkii lasoo dhaafay 2016-ka, ayaa Faroole iclaamiyay in uu u tartamayo madaxweynaha Soomaaliya.