Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiir ku xigeenkii wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka dowladda Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax sidoo kale loo yaqaan (Dujaana) ayaa maanta oo Talaado ah xilkiisii iska casilay.
Isaga oo saxaafada maxaliga ah kula hadlayay caasimada Garoowe, Dujaana waxa uu sheegay in uu is-casilay kadib culays kaga yimid tolkiisa, kuwaasoo qaadacay awood qeybsiga dowladda Puntland.
Waxaa uu noqday wasiirkii saddexaad oo xukuumada Madaxweyne Cabdiweli oo is-casila intii lagu guda jiray lixdii bilood ee lasoo dhaafay.
Be the first to comment