Puntland oo sheegtay in ciidamadeedu aysan dib u qabsan magaalo xeebeedka Qandala

Abdi Omar Bile
1 Min Read

Qandala waxay qiyaastii 75km dhanka bariga ka xigtaa magaalada Boosaaso [Sawirka: Google Map]
Qandala waxay qiyaastii 75km dhanka bariga ka xigtaa magaalada Boosaaso [Sawirka: Google Map]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ciidamadeedu aysan wali dib u qabsan magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari, sida uu sheegay sargaal.

Isaga oo la hadlayay idaacada laanta Af-Soomaaliga ee VOA, taliyaha ciidamada badda Puntland, Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa qaadacay wararka sheegaya in ciidamada ay dib u qabsadeen magaalada Qandala Axadii shalay.

Asbuucii lasoo dhaafay, ciidamada Puntland ayaa bilaabay guluf balaaran oo ay kaga saarayaan Qandala maleeshiyada ISIS, taasoo ay qabsadeen bishii Oktoobar ee sanadkan.

Share This Article
Follow:
An online journalist with more than a decade of experience covering security, business, and climate change issues in Somalia.
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *