Kabul-(Puntland Mirror) Qof miino isku soo xiray ayaa isku qarxiyay gudaha masaajid ay Shiicada leeyihiin oo kuyaala caasimada dalka Afkaanistaan ee Kabul, waxaana qaraxaas ku naf waayay ugu yaraan 27 qof, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.
Qaraxa isbiimaynta ah ayaa ka dhacay masaajidka la dhaho Baqer-ul-uloom oo kuyaala deegaanka Baqer-ul-uloom.
Taliyaha ciidamada booliiska Kabul, Abdul Rahman Rahimi ayaa warbaahinta u sheegay in dad badan oo kale ay ku dhawacmeen qaraxa, lagana baqayo in tirada dhimashada ay kororto.
Ma jirto koox si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada weerarkaas.
Be the first to comment