Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciyaarta kama dambaysta ah ee dhexmari doonta kooxaha kubada cagta Puntland iyo Jubbaland oo lagu balansanaa beri oo Isniin ah ayaa dib loogu dhigay maalinta xigta ee Talaadada.
Bayaan ay soo saareen xiriirka kubada cagta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dib u-dhigida ay keentay kadib markii labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ay sheegeen in ay ka qayb gali doonaan ciyaarta.
Ciyaarta ayaa balantu ahayd in ay dhacdo beri oo bishu ku beegantahay 25 July, balse hadda waxaa dib loo dhigay maalinta Talaadada oo ay bishu tahay 26 July.
Labada Madaxweyne ee Cabdiweli Maxamed Cali iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa la filayaa in ay beri oo Isniin ah tagaan caasimada Soomaaliya, Muqdisho.