Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo waddada dhinaceeda lagu aasay, kaas oo ka dhacay dhulka buuraleyda Galgala ee gobolka Bari, sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaanka ah.
Askarta dhaawacantay ayaa loo qaaday magaalada Boosaaso, halkaas oo lagu dabiibayo, ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray.
Ciidamada Puntland ayaa muddo shan sano ah dagaal kula jiray maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Cal-Miskaad, oo uu ka mid yahay deegaanka Galgala.
