Ergeygii hore ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom oo geeriyooday

Puntland Mirror
0 Min Read

Muqdisho-(Puntland Mirror) Nicholas Haysom, oo mar ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Soomaaliya ayaa geeriyooday, sida Qaramada Midoobay xaqiijisay.

Qoraal tacsiyeed ay soo saartay UNMISS ayaa Haysom lagu tilmaamay diblomaasi khibrad dheer leh oo door muuqda ka qaatay dadaallada nabadaynta iyo dowlad-dhiska Koonfurta Suudaan oo uu hadda ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee dalkaas.

Haysom oo u dhashay Koonfur Afrika ayaa sanadkii 2019 dowladda Soomaaliya ay dalka ka saartay kaddib muran la xiriiray faragelin siyaasadeed oo lagu eedeeyay.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *