New York-(Puntland Mirror) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan.
Kulankii degdegga ahaa ee Golaha oo ka dhacay New York, 14 ka mid ah 15-ka xubin ayaa si cad u diiday talaabadaas, iyagoo ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah iyo mabda’a midnimada dhuleed ee dalalka.
Somalia waxay Golaha u sheegtay in aqoonsigaas uu yahay “fal duulaan ah” oo khatar ku ah xasilloonida Geeska Afrika, isla markaana ujeedkiisu laga yaabo in ay ka dambeyso qorshayaal la xiriira in Falastiiniyiinta laga raro Gaza loona wareejiyo Somaliland—arintaas oo ay Soomaaliya iyo dalal kale si kulul uga digeen.
Dalal badan iyo ururo caalami ah sida Ururka Midowga Afrika ayaa sidoo kale cambaareeyay go’aanka Israa’iil, iyagoo ku baaqay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Inkasta oo dalal badan oo caalami ah ay diideen aqoonsiga Somaliland, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Shiinaha ayaa si cad u sheegay inaysan aqoonsaneyn Somaliland oo ay taageersan yihiin madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya
