Bangiga Adduunka oo $112 milyan ku taageeraya shaqo abuurka iyo u adkeysiga cimillada Soomaaliya

Abdi Omar Bile
By
Abdi Omar Bile
An online journalist with more than a decade of experience covering security, business, and climate change issues in Somalia. A member of the Oxford Climate Journalism...
0 Min Read
Madaxweynaha World Bank Group Ajay Banga. [Xigashada Sawirka: Reuters]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay deeq dhan $112 milyan oo doolar oo lagu taageerayo shaqo abuurka, ilaalinta bulshada, iyo u adkeysiga cimillada ee Soomaaliya, iyadoo ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan 738,000 oo qof oo dalka oo dhan ku nool.

Dhaqaalahan waxa uu qeyb ka yahay wejiga labaad ee Mashruuca Shabakadda Badbaadada Jawaabta Degdegga ah ee Soomaaliya ee Awooda Bani’aadamka (SNHCP II), kaas oo ujeedkiisu yahay in la balaariyo barnaamijyada lacagta lagu bedelayo shaqada, la xoojiyo shabakadaha badbaadada bulshada, isla markaana lagu maalgeliyo kaabayaasha dhaqaalaha ee u adkeysan kara isbeddelka cimilada.

Mashruucan wuxuu diiradda saari doonaa kooxaha nugul, oo ay ka mid yihiin bulshooyinka miyiga, dadka dalka gudihiisa ku barakacay, iyo kuwa ay saameynta ka soo gaartay dhibbaatooyinka ay sababtay cimilada sida abaaraha iyo fatahaadaha.

“Mashruucani wuxuu Soomaaliya ka caawin doonaa dhismaha mustaqbal loo dhanyahay oo u adkeysan kara cimilada,” ayay tiri Kristina Svensson, Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.

Wasaaradda Shaqada iyo Adeegyada Bulshada ayaa fuli doonta barnaamijkan iyadoo kaashanaysa UNICEF iyo Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP).

SNHCP II wuxuu ku dhisan yahay dadaalladii hore ee lagu aas-aasay nidaamka ilaalinta bulshada ee Soomaaliya, wuxuuna la jaanqaadayaa mudnaanta horumarineed ee dalka sida ku cad Qaab-dhismeedka Iskaashiga Dalka Soomaaliya (Somalia Country Partnership Framework).

Share This Article
Follow:
An online journalist with more than a decade of experience covering security, business, and climate change issues in Somalia. A member of the Oxford Climate Journalism Network (OCJN) and a professional fact-checker.
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *