Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa sheegtay in ay fasaxday markabka MV Sea World oo siday hub kaasoo ku xirnaa dekada Boosaaso labadii asbuuc ee u dambeysay.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland maanta oo Isniin ah ayaa lagu sheegay in Puntland ay fasaxday markabka kadib markii uu Turkiga uu u soo bandhigay cadaymo muujinaya in uu leeyahay hubka saran.
Arrinta ayaa timid kadib kulan dhexmaray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktaş oo maanta safar ku yimid magaalada Boosaaso.
Markabkan ayaa waxaa 18-kii Luulyo lagu qabtay gacanka Cadmeed, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada Ilaalada Badda Puntland (PMPF), ka dibna waxaa la keenay dekedda Boosaaso.