Axmed Madoobe oo Garowe imaanaya kadib dhexdhexaadin Imaaraadka

Puntland Mirror
0 Min Read
Madaxweyne Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe. [Isha Sawirka: Madaxtooyada Jubaland]

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu toddobaadkan yimaado magaalada Garowe, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Puntland u xaqiijiyeen bog wareedka Puntland Mirror.

Xiriirka u dhexeeya Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xumaa tan iyo doorashadii madaxtinimo ee Soomaaliya ee dhacday bishii May 2022, balse, ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Puntland Mirror in labada hogaamiye ay dhammaadkii May safar wadajir ah ku tageen Imaaraadka Carabta, halkaas oo mas’uuliyiin Imaaraad ah ay ka shaqeeyeen dhexdhexaadintooda.

Booqashada Madoobe ee Garowe ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Madaxweyne Deni uu qorsheynayo inuu magaalada ku martigeliyo mucaaradka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, xilli uu weli taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya labada hoggaamiye kaasoo ay falanqeeyayaasha siyaasadda ku tilmaameen mid ka dhashay dano shaqsiyeed.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *