Muqdisho-(Puntland Mirror) Agaasimaha CIA-da, William Burns, ayaa Jimcadii magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, iyagoo ka wadahadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin amniga iyo la dagaalanka argagixisada.
War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Burns iyo Xasan Shiikh ay yeesheen ‘wadahadal heer sare ah oo lagu xoojinayo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee muddada dheer u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.’
Kulanka, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, ‘waxaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo faa’iido wadaag leh, oo ay ka mid yihiin taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada caalamiga ah, kor u qaadida xasilloonida gobolka, iyo wax ka qabashada caqabadaha amniga ee muhiimka ah ee Geeska Afrika.’
“Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada nabadda iyo amniga, iyaga oo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay sii wadidda dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Booqashada Agaasimaha CIA-da ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaysa iyadoo xiisado ay ka aloosan yihiin Soomaaliya iyo Itoobiya, sababo la xiriira heshiis ay Itoobiya la gashay dowlad-goboleedka gooni u goosadka ah ee Somaliland si ay uga hesho marin badda Cas ah. Saaxiibada caalamiga ah, oo ay ku jirto Turkiga, ayaa dhex-dhexaadinaya si loo xalliyo khilaafkaas.
Be the first to comment