Ugu yaraan 32 qof oo lagu dilay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xeebta Muqdisho

Baabuurta gurmadka deg-dega ah oo dhawaac sida. [Sawir Hore]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 32 qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen weerar ka dhacay xeebta caanka ah ee magaalada Muqdisho, sida ay saraakiishu sheegeen.

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday xeebta Liido xilli dambe oo jimcihii, sida ay tabisay idaacad xiriir la leh maleeshiyada.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo goobta gaaray sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegtay in ugu yaraan shan nin oo weerarka soo qaaday la toogtay, halka midka lixaadna uu isla goobta isku qarxiyay. Qaraxa ayaa dhacay xilli dadku ay ku sugnaayeen xeebta.

Xeebta Liido oo ah meel caan ka ah magaalada Muqdisho ayaa habeenka jimcaha waxaa laga dareemaa mashquul aad u badan iyadoo ay Soomaalida ku raaxaysanayaan maalmaha fasaxa ah. Goobtan ayaa waxaa horay weeraro uga geystay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*