Jabuuti oo soo dhaweysay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo xarunta madaxtooyada la taagan hoggaamiyaha SSC-Khaatumo. [Isha Sawirka: Halbeeg]

Jabuuti-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo Isniin ah qasriga madaxtooyada ku qaabilay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali oo loo yaqaanno Firdhiye.

Qodobada looga hadlay kulanka ayaan la ogeyn illaa hadda, balse socdaalka Firdhiye ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xumaanayo xiriirka Jabuuti iyo maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya, kaasoo dagaal u kala dhaxeeyo maamulka SSC-Khaatumo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*