Muqdisho-(Puntland Mirror) Sargaal sare oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal milatari oo ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe, sida ay tabisay idaacada dowladda ee Radio Muqdisho maanta oo Isniin ah, iyadoo soo xiganaysa saraakiil ciidan.
Xasan Sufiyaan Qooreey, oo ahaa madaxa jabhadaha maleeshiyada Al-Shabaab iyo lix dagaalyahan oo kale ayaa lagu dilay deegaanka Caraboow, oo qiyaastii 50 kiilomitir u jirta magaalada Bua’aale ee xarunta Jubbada Dhexe.
Gobolka Jubbada Dhexe ayaa kamid ah gobolada ay maleeshiyada Al-Shabaab weli gacantooda ku jira gaar ahaan magaalada Bu’aale, halkaas oo labadii sanno ee lasoo dhaafay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ay dadaal ugu jireen qabsashadeeda.