Xafiiska guud ee xeer ilaalinta Puntland ma aysan faahfaahin sida ay u dhaceen dambiyadaas dilalka ah iyo cidii ka dambaysay.
Gobolada Mudug iyo Bari ayaa ah kuwa ugu badan oo ay dilalku ka dhaceen, waxaana Mudug ka dhacay 59 dil, halka Bari ay ka dhaceen 55.
Gobolka Sanaag ayaa ah gobolka ugu yar, waxaana ka dhacay hal dambi oo dil ah, sida lagu sheegay xogta.